Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka marxuum Cali Khaliif Galeyr oo goor dhow laga soo dejiyey Muqdisho (Sawirro)

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay meydka Allaha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo Khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa meydka ku sugayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo haatan ay socoto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale wafdi uu horkacayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka qeyb galaya aaska iyo maamuuska loo sameynayo raisul wasaarihii hore.

Wararka soo baxayay saacadihii u danbeeyay oo ku aadan geerida marxuum Cali Khaliif ayaa sheegaya in lagu sameeyay baaris kale oo ku saabsan sababta dhimashada, balse aan la shaacin natiijada, iyadoo horeyna maamulka degaanka Soomaalida ay sheegeen inuu u geeriyooday cudurka COVID-19 inkastoo shaki badan laga muujiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fiqi & xubno kale oo qaaday Isbaarooyin yiilay Koonfurta Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Bashiir Goobe oo dhaqaalihii ka jartay ciidanka NISA ee taabsacsan Yaasiin Fareey !!

Cabdi Cade

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka BandiIradley (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---