Bashiir Goobe oo dhaqaalihii ka jartay ciidanka NISA ee taabsacsan Yaasiin Fareey !!

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo ah Agaasimaha KMG-ka ah ee NISA garabka uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lacago badan ka jartay askarta iyo saraakiisha NISA, si gaar ah kuwa taabacsan Yaasiin Fareey oo isagana ah taliyaha NISA garabka Farmaajo.

Saraakiil kamid ah sirdoonka ayaa Mustaqbal u sheegay in lacagaha laga jartay ay qeyb ka tahay gunnooyin u soo dhici jiray askarta iyo saraakiisha qaar, taasoo ay isaga dabari jireen kirooyinka aqalada ay degan yihiin iyo howlo kale.

Talaabadan ayaa la sheegay in taliye Goobe uu ka damacsan yahay sidii uu cadaadis ugu saari lahaa askarta iyo saraakiishan iney garabkiisa noqdaan oo ay isaga soo tagaan dhanka Yaasiin Fareey oo, hadii ay iska diidaanna uu xanibaado dhaqaale saari doono.

Saraakiisha waxa ay inoo sheegeen in lacagaha gunnada ay u soo dhici jirtay 10-ka ilaa 15-ka bisha, balse aysan wali soo gaarin, iyadoo maanta bisha ay tahay 18, waxeyna tilmaameen in si cad loogu sheegay in xanibaadahan ay sii saarnaan doonto ilaa ay isa soo dhiibaan.

Saraakiil kale oo xilal sare ka haya sirdoonka waxey inoo sheegeen in mararka qaar uu Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe uu si toos ah ula soo xiriirayo askarta iyo saraakiisha, isagoo u sameynaya balanqaadyo uu u fulinayo hadii ay dhankiisa noqdaan.

Saraakiil inoo sheegay iney kamid yihiin dadka uu sida tooska ah ula soo xiriiray ayaa tilmaamay iney si cad ugu jawaabeen iney la shaqeynayaan hadii uu ugu yimaado xarunta NISA, maadaama ay iyagu joogaan oo ay ku shaqeeyaan taliska NISA.

Mar aan weydiinay bal in xanibaadan dhaqaale ay sidoo kale qeyb ka tahay mushaaraadkii bil-laha ahaa ee ay qaadan jireen, waxey ku warceliyeen ineysan garan Karin, maadaama xiligii bishii hore lacagta la qaadanayay uusan Bashiir Goobe taliye eheyhn, balse ay taasi kala cadaan doonto marka la gaaro dhamaadka bishan, hadiibu uu sii socdo khilaafaadka taagan.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in hadii talaabadan ay sii socoto ay ka dhalato in askartan hubeysan ay dhac u geystaan shacabka iyo ganacsiyadooda, iyadoo arrimahan oo kale caadiyan looga bartay askarta marka ay dowladda ka waayaan mushaaraadkooda.

Khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo nheyed sarkaal ka tirsan NISA oo la sheegay in la dilay ayaa laba garab u kala jabiyay Sirdoonka Qaranka, kuwaaso haatan leh laba taliye is diidan, waxaana gaabis ku yimid shaqadii sirdoonka oo awlaba eheyd mid iska hooseeya.

Yaasiin Fareey oo uu taliyaha NISA u magacaabay Farmaajo ayaa heysta xarunta NISA, halka Bashiir Goobe oo uu magacaabay Rooble uu isaguna heysto maamulka maaliyada ee NISA, waana labadaasi awoodood kuwa ay kala heystaan labadan Sarkaal.

Xigasho Idaacada Mustaqbalmedia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -