Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Ku-Simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho.

Xubno isugu jira Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Airport ee Muqdisho.

Axmed Karaash iyo wafdigiisa ayaa kaga qeybgalaya Muqdisho Aaska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Khaliif Galeyr.

Marxuumka oo ku geeriyooday maalmo ka hor magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa la filayaa in maanta meydkiisa la keeno Muqdisho loona sameeyo aas Qaran.

Madaxda DF iyo masuuliyiin kale ayaa la filayaa iney ka qeyb galaan aaska meydka Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Khaliif Galeyr.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Somalia oo xilal cusub Magacowday (Magacyada)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo xariga ka jaray Madaxtooyada cusub ee KG kana warbixiyay ujeedka Safarkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade

Wax ka Ogow Rajada C/raxmaan C/shakuur ka qabo in loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---