Dowlada Somalia oo ku gacan seyrtay dalab ka yimid ehelada Marxuum Cali Khaliif Galeyr

Sii-hayaha Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya, Cabdullahi Warsame Bidhaan ayaa ku gacan seyray dalab ka yimid qoyska Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo ahaa in baaris dheeraad ah lagu sameeyo sababta uu u geeriyooday

Bidhaan oo xubin ka ah guddiga loo xil-saaray aaska Qaran ee loo sameynayo Cali Khaliif Galayr ayaa caddeeyey in meydka marxuum Cali Khaliif marka la keeno Muqdisho la aasayo, isla markaana aysan jirin baaritaan cusub oo lagu sameynayo.

“Maydka Marxuum Cali Khaliif Galayr waxaa lagu aasayaa Muqdisho, madaxda sare ee dalka ayaa ka qaybgaleysa salaadda janaasada, marka lagu tukado kadib waa la aasi doonaa” ayuu yiri Wasiir Bidhaan oo intaa ku daray in meydka marxuumka maanta la keenayo Muqdisho lana aasayo.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid saacado ka dib markii ehellada marxuumka ay dalbadeen in la baaro, maadaama shaki ay ka qabaan sababta geeridiisa oo maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu ku sheegay iney ka dambeysay cudurka Coronavirus oo haleelay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -