TPLF oo ka soo debecday mowqifkii adkaa ee ay ku diideen xabad joojintii Abiy Ahmed

Taliyaha Xooggaga TPLF ee dhawaan la wareegay magaalada Mekelle, Jen Tsadkan Gebretensae, ayaa ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda gobolka

Jen Tsadkan Gebretensae ayaa u sheegay wakaallada wararka Reuters in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haatanna la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad-joojin buuxda.

“Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan,” ayuu yiri Jen. Tsadkan.

Waxaa uu xusay in haddii la waayo xal kale, waxaa xiga ee ay sameynayaan ay tahay adeegsiga awood milateri.

TPLF ayaa horay ugu gacan-sayrtay xabbad-joojin dhinac ah oo ay ku dhawaaqday xukuumadda Addis Ababa kadib markii ay ciidamadeeda kala baxday Mekelle.

Axadii la soo dhaafay, TPLF ayaa shuruudo badan ku xirtay in ay xabbad-joojinta aqbasho, waxaana kamid ah in gobolka laga saaro ciidamada Eritrea iyo kuwa gobolka Amxaarada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac uu saaran yahay cadaadis caalami ah oo la xiriira in xal siyaasadeed loo helo lana soo afjaro colaada gobolka, isla markaana la fududeeyo gargaarka ku socda dadka tabaaleysan

Ra’iisal wasaare Abiy oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii Tigray, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF, isagoo tilmaamay in ka bixitaankii Mekelle uu ahaa mid bil la qorsheynayay oo tashi badan ay geliyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -