Afhayeenka Aqalka cad ee dowlada Maraykanka oo laga helay Coronavirus

Afhayeenka Aqalka cad ee Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Kayleigh McEnany ayaa shaacisay in laga helay cudurka Coronavirus.

Ms. McEnany oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitterka ayay ku sheegtay in marar hore laga qaaday tijaabada cudurkan, balse baaritaankii u dambeeyey uu cadeeyey inay cudurka qaaday.

“Marka laga reebo in la iga helay viruska, ma jiraan illlaa hadda calaamado muujinaya cudurkan oo aan isku arkay, waxaana galay xaalad karantiil ah” ayey tiri Ms. McEnany

Waraysi maanta oo Isniin ah ay qorshaynaysay inay siiso Tv-ga Fox News ayaa la joojiyey ka dib markii cudurka laga helay, waxayna noqonaysaa sargaalkii u dambeeyey ee aqalka cad ka tirsan oo cudurkani ku dhaco.

Madaxweyne Trump ayaa Isbitaal la geeyey Sabtidii, ka dib markii Jimcihii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid-19, waxaana ka soo horeeyey masuuliyiin kale oo laga helay cudurkan, kuwaasoo ka tirsan aqalka Cad ee dalkaas looga arrimiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -