(Sawirro) Xogta kulamo Laftagareen la qaatay Catriona Laing iyo Joachim Waern

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Catriona Laing

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiil Catriona Laing ayaa ka Wada Hadlay Arimaha Bini’adanimada, Amniga, Isbedelka Cimilada, Siyaasada Dalka Dhinacyada Qabsoomida Shirka Golaha Wadatashiga, Dhamaystirka Dastuurka iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka.

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Mashaariicda Dhinacyada Horumarka iyo Dib u dhiska ee Dowlada Sweden ay ka taageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -