Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo ka carooday fal dowladda ku kacday baaqna u diray Madaxweynaha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) , ayaa si adag u cambaareeyay xarig ciidamada booliiska Soomaaliya xalay magaalada Muqdisho ugu geesteen guddoomiyaha urur siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Farmaajo , ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay un xariga loo geestay guddoomiye Cabdiraxmaan Saleebaan uu muujinayo nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay.

Waxa uu Farmaajo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in xuriyadiisa deg deg ugu soo celiyo Siyaasi Jaamac oo booliiska ku xireen Muqdisho, waxa uuna Farmaajo ka digay in xadgudubkaan lagula kacay siyaasigan saameyn ku yeelan karo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuquraadiyada.

”Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday” ayuu yiri Farmaajo.

Qoraalka Farmaajo soo saaray ayaana u qornaa sida tan:

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyo Dagaal Mudug ka ocda

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sargaal Ciidan oo xagooda usoo goostay

Cabdi Cade

Madaxweyne caan ah oo ku soo wajahan Muqdisho iyo garoonka Aadan cadde oo loo xirayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---