Axmed Madoobe oo guddoomay Natiijada Imtixaan loo galay Agaasimayaal guud (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka gudoomay Shirkada Human resource management consultancy expertise services, natiijada imtaxaanadka agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Jubaland.

Kulan kooban oo ka dhacay Madaxtooyada ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay shirkadan qaaday imtaxaanka shaqada Wanaagsan ee ay qabatay iyadoo ay goob joog ahayeen madaxda guddiga shaqada iyo shaqaalaha Jubaland iyo qaar kamid ah golaha wasiirada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta shirkad gaar loo leeyahay ay howshan ugu xilsaareen ay tahay in laga fogaado musuq iyo eex si loo helo dad tayo leh oo u qalma hogaaminta wasaaradaha Dowlada.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in qof walba oo kasoo gudba imtaxaanka uu xaq u leeyahay in lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa taasna ay saldhig u tahay shaqooyinka muhiimka ah ee Dowlada inay hogaamiyaan dad kasoo bixi kara.

- Advertisement -