Allbanaadir.com
NEWS

Talyaaniga, France & Jarmalka oo soo jeediyey talaabo cusub oo ka dhan ah Xamaas

Dowladaha Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku taliyay qorshe cusub oo cunaqabatayn lagu saarayo Xamaas.

Waxay ugu baaqeen Midowga Yurub in ay cunaqabatayn deg deg ah ku soo rogaan Xamaas iyo taageerayaashooda.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas ayaa si wadajir ah waxay warqad ugu qoreen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell sida ay baahhisay Wakaaladda wararka Reuters

“Waxaan si buuxda u taageersannahay soo jeedinta ah in la abuuro nidaam cunaqabatayn ku meel gaar ah oo ka dhan ah Xamaas iyo taageerayaasheeda,” ayaa lagu yiri warqadda.

“Oggolaanshaha degdega ah ee nidaamkan cunaqabataynta ah ayaa noo suurtagelin doonta inaan dirno farriin siyaasadeed oo adag oo ku saabsan sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay Xamaas iyo isbaheysigayada aan la leenahay Israa’iil.” ayaa lagu yir qoraalka.

Wasiiradan ayaan marna soo hadal qaadin xasuuqa ay ciidamada Israel ku hayaan shacabka magaalada Gaza, kuwaasoo labo bilood dilay dad ka badan 17 kun oo u badan haween iyo caruur.

Related posts

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiiro cusub iyo labo gudoomiye gobol

Caydiid Ali

Wararkii ugu danbeeyay Xiisada PSF & Deni oo gaartay meel halis ah iyo Boosaaso oo dagaal qarka u saaran !!

Caydiid Ali

Saraakiil iyo Ciidamo ku qul qulaya Maxaas iyo Abaabul dagaal oo halkaasi ka socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---