Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab iyo Gorgor oo la wareegay Deegaan katirsan gobolka Galgaduud (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor oo ay wehliyaan ciidamo deegaanka ah ayaa maanta la wareegay deegaanka Cali Heele oo hoos-taga degmadda Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya ciidamada huwanta ah ay dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Cali Heele , kaddib markii halkaasi isaga baxeen dagaalyahanadii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi.

Ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor ayaa deegaanka hoostaga degmada Ceeldheer kawada howlgalo ay ku xaqiijinayaan ammaanka, waxa ayna ciidanka wadaan baaritaano miino baaris ah.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay horey u sii socon doonaan uuna yahay ujeedkooda in ay la wareegaam degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ,halkaas oo sannado badan fariisimo weyn u aheyd Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabulka howlgalo ballaaran ay ku dooneyso in Al Shabaab looga saaro degmooyinka ay ka joogaan gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana qorshaha ugu horeeya yahay degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Al-Shabaab ay qeybo ka mid ah Muqdisho ka mamnuucday ciyaarta Kubada Cagta?

Caydiid Ali

Magacyada Sadex nin oo dil geestay oo lasoo bandhigay iyo baadi goob loogu jiro

Cabdi Cade

Dad badan oo Cimilada oo kulul awgeed ugu geeriyooday dal ku yaalla Qaarada Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---