Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo xalay xaflad soo dhoweyn loogu sameeyey Baydhabo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo.

Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowladd iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen.

Deni ayaa maalmahan booqasho ku jooga magaalada Baydhabo oo uu gaaray markii ugu horeysay tan iyo markii xilka loo doortay, isagoo ka horna ka ambabaxay Muqdisho oo uu kaga qeyb galay shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee ka dhaceysa ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

UPEACE – Jamacadda Nabadda ee Q/Midoobay oo soo bandhigtay fursado waxbarasho

admin

Xubno katirsan guddiga Doorashooyinka oo gaaray Jowhar lana kulmay…

Cabdi Cade

Guddoomiye Dhabancad oo diiday talo loo jeediyey & Ismari waa ka taagan doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---