Muuse Biixi oo la kulmay Madaxweyne hore Ernest Bai Karoma (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta kulan gaar ah ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma oo ka mid ahaa wufuuddii caalamiga ahaa ee goobjoogayaasha ka ahaa doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Somaliland ayaa madaxweynaha xog-warran buuxa ka siiyey marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray iyo taariikhihii lama illaawaanka ahaa ee ku qormay magaca Somaliland oo noqday kuwo indhaha caalamka soo jiitay, balse shacbiga Somaliland ay weli ka sugayaan beesha caalamka wixii ay xaq ugu lahaayeen in lagu abaalmariyo oo ah Ictiraaf caalami ah.

Waxaanu madaxweynuhu ku bogaadiyey madaxweynaha hore ee Sierra Leone imaansha uu ku yimid Somaliland ee uu ku soo taabtay xaqiiqadda dhabta ah ee ka jirta ee dhinacyada horumarka, nabadgelyada, Dimuquraaddiyadda, wada-noolaanshaha, wada-jirka shacbiga iyo xukuumadda oo ah midda ay Somaliland ku caano maashay.

Madaxweyne Ernest Koroma waxa uu xusay in uu indhihiisa ku soo arkay bulsho bisil oo waayo arag u ah arrimaha doorashooyinka oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen iyagoo kala aragti duwan oo kala xisbiyo ah.

Waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey warbixinta ay soo saareen goobjoogayaasha doorashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay Isniintii ina dhaaftay.

Kulankan oo gaar u ahaa labada madaxweyne, ayaa ahaa mid ay ku lafo gureen qodobbo dhawra oo ay ugu muhiimsanaayeen arrimaha qaaradda Afrika.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha hore mid mid u dul geeyey sawirrada madaxweyneyaashii soo maray Somaliland iyo kuwo kale oo ka turjumaya taariikhda Somaliland oo ay ka mid yihiin qalcadda taariikhiga ah ee Talleex iyo goobo kale oo muhiimad gaar ah leh.

- Advertisement -