Dowlada Sacuudiga oo ku dhawaaqday go’aan ka farxiyey Muslimiinta caalamka

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay ogolaaneyso gudashada Cimrada iyo gelitaanka Masjidka Nabiga laga billaabo 4-ta October 2020.

Bayaan kasoo baxay Wasaaraddda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay go’aankaas la qaatay ka dib markii la tixgeliyey baahida muslimiintu u qabaan goobaha barakeysan ee islaamka.

“Iyadoo la raacayo talada dhaqaatiirta, lana tixgelinayo baahida ay dadka muslimiinta u qabaan inay soo booqdaan Masjidka nabiga iyo goobaha barakeysan, waxay mas’uuliyiinta Sacuudigu go’aansadeen in Muslimiinta loo ogolaado inay gutaan Cimrada sanadkan” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay sacuudiga.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalkaas ayaa sheegay in marka hore loo ogolaanaayo muwaadiniinta  iyo dadka deggan Sacuudiga  inay tira xaddidan u cimraysan kadibna loo wada ogolaan doono musliimiinta kale ee daafaha dunida ka imaanaya.

Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkaan baajisay gudashada cimrada iyo xajka iydoo ka taxadireysa faafidda cudurka Corona ee caalamka ku baaheysa iyadoo laga fekerayo bad-qabka Muslimiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -