Maxay tahay halista ka soo fool leh Iran ee ay ka digayaan dalalka Khaliijka & Maraykanka?

Mareykanka iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Khaliijka ayaa ku eedeeyey Iran inay xasarad Nukliyeer iyo xasillooni darro Bariga Dhexe uga abuureyso gantaalladeeda ballistic-ga iyo diyaaradaha droneska.

Digniintan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen kooxda qaabilsan Iran ee Mareykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka kadib shir ay ku yeesheen Sacuudi Carabiya.

ā€œDhammaan ka qeyb-galayaasha waxay ku booriyeen maamulka Iran inuu ka faaā€™iideysto fursadda diblomaasiyeed ee haddaā€ ee ka dhalaneysa dib u bilaabidda wada-hadallada Vienna ee looga dan leeyahay badbaadinta heshiiska Nukliyeerka Iran, ayna ā€œka hortagaan dagaal iyo xasarad,ā€ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wada-hadalladan aan tooska aheyn ee Mareykanka iyo Iran ayaa la hakiyey kadib markii ay Iran dooratay madaxweyne cusub bishii June, waxaana hadda la waqtiyeeyey inay dib u billowdaan dhammaadka bishan.Ā Waxaa looga gol leeyahay in dib loo cusbooneysiiyo heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015.

Mareykanka ayaa heshiiskaas ka baxay 2018 intii uu madaxweyne ahaa Donald Trump, wuxuuna dib usoo celiyey cunaqabateynadii saarnaa Iran, waxaana ayada oo ka jawaabeysa Iran ay joojisay u hoggaansamidda heshiiska.

ā€œIran waxay qaaday tallaabooyin aan baahi rayid ah laheyn balse muhiim u ah barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka,ā€ ayaa lagu yiri bayaanka oo ay si wadajir ah usoo saareen Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar, Baxreyn, Cumaan iyo Kuweyt.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -