Mareykanka oo sheegay iney duqeyn ku dileen 15 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in labo weerar oo cirka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka geysteen 14kii & 17kii bishan aggagaarka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaas ay ku dileen 15 ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inaysan waxyeello ka soo gaarin dhimasho ama dhaawac dadka rayidka ah duqeymihii lala beegsaday Al-shabaab.

Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka degaanka iyo dayuuradaha Mareykanka ay Al-shabaab ka saareen inta badan degmooyinka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AFRICOM

- Advertisement -