Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Abiy Axmed oo magacaabay Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD

Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa u magacaabay Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.

Kursiga Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa waxaa dooneysay inay qabato Soomaaliya, waxaana u sharaxnaa Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye balse ma suuragelin.

Workneh Gebeyehu ayaa xilka Xoghayaha guud ee IGAD heyn doona muddo afar sano ah sida ku xusan qoraalka lagu magacaabay ee uu soo saaray Abiy ahmed, waxaana xilkan horey u hayey Maxbuub Macalin oo Soomaalida Kenya ka soo jeeda.

Raisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa isna dhowaan xilka Guddoomiyenimada IGAD ku wareejin doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Workneh Gebeyehu oo loo magacaabay xoghayaha guud ee IGAD ayaa horay dalkiisa uga soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay Dagaalkii ka socday Muqdisho iyo dowlada oon wali ka hadlin

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Warbaahinta la hadlaya xili Shirka Dhuusomareen fashil ku dhaw yahay

Cabdi Cade

Dal ka tirsan caalamka oo laga helay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---