Hogaamiye geeriyooday sanadkii 1839-kii oo la helay wadnihiisa oo dhalo ku jira

Goobtii uu ku aasna maayarkii ugu horreeyay ee magaalo ku taalla bariga Belgium ayaa laga helay wadnihiisa oo dhalo ku jira kaddib muddo ka badan qarni oo uu aasnaa.

Wadanihiisa ayaa laga helay dhalo uu ku jiro khamri, waxaana la helay xilli dayactir lagu sameynayay goobtii uu ku aasnaa.

Maayarkii Pierre David magaalada Verviers ayaa geeriyooday sanadkii 1893-kii.

Qoraallo ku qornaa sanduuqa uu ku aasnaa ayaa muujinayaa in wadnaha la dhigay gudaha taallo isaga loo sameeyay sanadkii 1883-dii.

Maxime Degey oo ka tirsan waaxda howlaha guud ee magaalada Verviers ayaa warbaahinta RTBF, u sheegay in sanduuqa ay soo arkeen shaqaale dayactir ku sameynayay goobta 20-kii bishii hore.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaa bilaabay inay uruuriyaan dhaqaale la doonayo in lagu dayactiro taallo lagu qaddarinayo maayarkii ugu horreeyay ee magaaladaas isla markaana qoykiisa la weydisto in wadnihiisa la dhigo taallada.

Website rasmiga ah ee magaalada Verviers ayaa ku warramay, in tobonaan sano ay ku qaadatay maamulka inay uruuriyaan lacago ku filan si ay u taagaan taallo qurxoon oo lagu maamusayo hogaamiyahan.

Sidoo kale, waxaa jiraa muran ku saabsan qaabka loo xusayo maayarkii ugu horreeyay ee halkaas.

Xigasho: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -