Kolonyo ay wateen ciidamada Kenya oo qaraxyo xooggan lala beegsaday

Al-Shabaab ayaa weerarro iyo qaraxyo ka geystay gobolka Gedo, iyagoo beegsaday ciidamada Kenya ee gobolkas ku sugan.

Labo qarax oo waawayn ayay ku weerareen kolonyo ciidamo Kenyan ah oo ka soo ambabaxay saldhigga ay ku leeyihiin degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Khasaare kala duwan oo dhimasho, dhawac iyo burbur ayaa la soo sheegayaa inuu weerarkan ka soo gaaray gaadiidka ciidamada Kenya, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Al-Shabaab ayaa baraha internetka ee iyaga taabacsan ku sheegatay masuuliyada weerarkan, balse dhanka dowladda Kenya weli wax war ah kama soo saarin.

Weerarkaan waxaa ka horreeyay dhowr weerar oo maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab la beegsadeen saldhigyada ciidamada Burundi iyo Midowgay Africa oo ku yaalla Cadalle iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

  

- Advertisement -