Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Cabdi Xaashi & Madaxweyne Deni? (Sawirro)

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Puntland Saciid Abdullahi Dani.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta golaha Aqalka Sare oo Madaxweyne Deni uu saaka gaaray.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha Siyaasada iyo doorashooyinka.

Deni ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo maanta shir ku lahaa xarunta Golahaas.

Deni iyo Cabdi Xaashi ayaa ka mideysan diidmada muddo kororsiga uu damacsanaa Madaxweyne Farmaajo, iyagoo isku mowqif ka ahaa sida loo wajahayo xaaladaha kala guurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo kala duwan ka wada magaalada Muqdisho, isagoo la kulmaya inta badan siyaasiyiinta mucaaradka , isagoo shalay la kulmay Madaxweynihii hore Xasan Shiikh iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -