Wiil iyo Aabihiis oo katirsanaa Boqortooyada Sacuudiga oo xilka laga qaaday

Boqorka Sacuudi Carabiya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay xubno katirsan Qoyska Boqortooyada , kadib khilaaf hoose oo la sheegay in uu soo kala dhax galay qoyska boqortooyada talada Sacuudiga heysa.

Boqor Salman ayaa xilka looga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee jooga Yemen, waxaa sidoo kale xilka laga qaaday wiil uu dhalay sargaalkan oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka Al Jowf.

Amiir Fahad iyo Wiilkiisa ayaa la sheegay in ay wajahaaan baaritaano la xariira wax isdaba marin iyo musuq maasuq lagu tuhmayo, waxaana suurto gal ah in xabsiga la dhigo hadii dambiga lagu helo.

Qoyska xukuma Boqortooyada Sacuudiga aya ala sheegay in uu ka dhax jiro khilaaf xoogan , waxaana dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman doonayaa in meesha ka saaro xubnaha qoyska ee nidaamkiisa kasoo horjeeda.

- Advertisement -