Daawo Sawirro :Ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo Dar daaran loo jeediyay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa tababar usoo xiray ciidamo cusub oo katirsan Daraawiishta Jubbaland, kuwaa oo mudooyinkii lasoo dhaafay tababar uga socday xero kutaala magaalada Kismaayo.

Ciidamadan cusub ee tababarka loo soo xiray ayaa loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo maamulka Jubbaland ku doonayo in uu ku xureeyo deegaanada maamulkaasi ee gacanta ugu jira Al Shabaab.

Axmed Madoobe oo la hadlay ciidamadan ayaa kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan howlgalo ay ku xureenayaan deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxa uuna ciidamada faray in si wanaagsan shacabka ula dhaqmaan inta ay howlgalada ku jiraan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa marar badan ku dhawaaqay howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, mana sameyn maamulkiisa mudooyinkii dambe wax howlgalo ah, waxaana xusid mudan in gacanta Jubbaland aysan ku jirin gobolka Jubada Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -