Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe, Rooble & xubno kale dalka ku soo laabtay & saf loo galay..

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo todobaadyadii lasoo dhaafay Boqortooyada Dalka Sucuudi Carabiya u joogay gudashada acmaasha waajibaadka Xajka ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,

Waxaa guddoomiyaha dib u soo laabashadiisa ku wehliyay Ra’isul wasaarihii hore ee Dalka Maxamed Xasan Rooble iyo la taliyaha arrimaha siyaasadda iyo Amniga ee Guddoomiyaha Maxamed Xasan Idiris.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay  mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo siyaasiyiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo intii uu ku sugnaa Dalka Sacuudi Carabiya soo gutay waajibaadka Xajka ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

Related posts

(Sawirro) Wafdigii Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhoweeyey Boosaaso

Caydiid Ali

James Swan oo War ka soo saaray talaabooyin ay dhowaan qaaday dowlada Somalia

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo Wasiirada Maamulkiisa oo ka shiray arrimo soo kordhay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---