Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun adag ku riday ganacsade caan ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku riday ganacsade la sheegay in lagu helay inuu sameystay shirkad sharci daro ah oo u shaqeyneysay sida Bankiyada oo kale.

Cabdullaahi Axmed Maxamed (Xaaji Gaabow) ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka waxaa uu   eedeeyay inuu u shaqeynayay sida Bankiyada, iyadoo uusan ka diiwaangelin shirkadiisa dowlada Soomaaliya.

Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Saciid Axmed ayaa sheegay in Cabdullaahi Axmed Max’ed (Xaaji Gaabow) lagu xukumay Saddex saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 920,000 kun oo Dollar.

Maxkamada G/Banaadir ayaa dhinaca kale sii deysay Ayuub Sheekh Maxamed Amiin oo ku eedeysnaa inuu lahaa shirkad daabacday warqadda qaan-sheegadka ay isticmaaleen Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee dhawaan la xukumay, kadib markii Maxkamaddu sheegtay in lagu waayey wax dambi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saldhigga ciidanka Maraykanka ee Jabuuti oo xanibaad lagu soo rogay (Sababta)

Caydiid Ali

Duqeyn dad lagu laayey oo ka dhacday Khartuum & Xoghayaha guud ee QM oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo la kulmay Safiirka Mareykanka iyo xubno kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---