Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidanka Danab oo dilal ka geystay wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Jowhar

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad guutada 16-aad ee Kumaandoska Danab ayaa howlgallo dad lagu dilay ka sameeyay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo mudooyinkan dambe aheyd mid amaankeedy aad liito ka dib markii Al-shabaab ay ka fuiliyeen weeraro iyo qaraxyo dad badan lagu laayey.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay in howlgalkan oo ahaa mid waddada looga nadiifinayo Al-shabaab ay Ciidanku ku dileen dagaalyahano ka trsan kooxdaas oo doonayey inay dhibaateyaan dadka rayidka ah ee waddada isticmaala sida ay sheegeen

Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandoska Xoogga Dalka ee Danab    ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen howlgalka ay waddada ka soo saareen  Miinooyin Al-shabaab galiyeen inta u dhexeysa degmada Balcad iyo magaaladda Jowhar.

“Waan sii wadeynaa howlgalada lagu baacsanayo argagaxisada tan iyo laga ciribtirayo gobolka Sh/dhexe iyo guud ahaan Somalia” ayuu yiri Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandoska Xoogga Dalka ee Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Caawa si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaaweo Arrimo badan kala hadlay Wafdi ay hoggaamineysay Laura Turner (Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen oo gaaray jigjiga, lana kulmay dhigiisa Mustafe Muxumed Cumar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---