Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oo gaaray jigjiga, lana kulmay dhigiisa Mustafe Muxumed Cumar (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray  Magaalada Jig-jiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jig-jiga Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Caasimada Jig-jiga ayaa ku qotoma sidii isaga iyo Madaxweyne Mustafe ay uga wada hadli lahayeen Iskaashi ku qotoma Xaqiijinta  Amniga labada Xuduud, iyo la Dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in kulankoodu salka ku hayo sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada Deegaan.

Al-shabaab ayaa dhowaan weeraro culus oo lagu hoobtay ku qaaday dowlad degaanka Soomaalida, iyagoo ka talaabay xadka gobolada Bakool iyo Hiiraan la wadaagaan degaankaas.

Related posts

Dhismaha Wado 55-km ah oo isku xireysa Saddex magaalo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Barakac xoogan oo ka socda qeybo ka mid ah magaalada Belad-weyne (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo lagu riday Farxaan Jaamac Siyaad oo dambi culus lagu helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---