Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xildhibaan goor dhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Turkiga oo uu ku xanuunsanaa

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland kaasoo maanta ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Daa’uud Nuur ayaa la sheegay inuu muddo ku xanuunsanaa dalka Turkiga geeridiisa ka hor.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka shacabka Puntland, Golaha Wakiillada Puntland, Guddoonka Golaha Wakiillada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

Waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu ku abaal mariyo Jannatul Fardawsa, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan eheladiisii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hal bilyan oo Dollar oo loo soo waday Dalal kuyaalla Qaarada Afrika oo la qabtay

Cabdi Cade

Itoobiya oo xafiis cusub u sameysay Hub ka dhigista Ururada hubeesan

Cabdi Cade

Wax badan ka Ogow Awoodda iyo sida ay u howlgalaan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---