Madaxweyne Deni oo Qado sharaf ku Maamuusay Axmed Madoobe & wafdigiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kulan Qado Sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee sugan Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Madaxdii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Goleyaasha maamulada Puntland iyo Jubaland.

Axmaed Madoobe ayaa maalmahanba u joogay magaalada Garowe kulamo wada tashi ah  oo uu la lahaa Madaxweyne Deni kuwaasoo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka oo haatan meel xasaasi ah.

Labada hogaamiye ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay wakiilada dalalka beesha caalamka u jooga Somalia ka dib markii ay diideen iney ka qeyb galaan shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ka qeyb galeeb madaxda DF iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka. laguna go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -