Shirkad caan ka ah dunida oo shaacisay iney dacwad ku soo oogeyso Madaxweyne Trump

Shirkadda dhinaca warbaahinta bulshada ee TikTok ayaa sheegtay inay maxkamad ka dacweyn doonto maamulka Trump cadaadiska ay ku hayaan app-kan Shiinaha laga leeyahay ee sida weyn loo isticmaalo, kaasoo Washington ay ku eedeysay in uu khatar ku yahay amniga qaran.

Iyadoo xiisadda u dhexeeysa labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka sii kordheyso, ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu 6-dii bishan saxiixay amar fulin ah oo lagu siiyay dadka Mareykanka ah 45 maalmood in ay ku joojiyaan inay ganacsi la yeeshaan shirkadda BayteDance ee Shiinaha taasoo iska leh app-ka TikTok.

ByteDance ayaa qoraal ay iyana soo saartay ku sheegtay in dacwadda ay gudbin doonaan maalinta berri ee Isniinta ah, ayna rajo weyn ka qabaan iney ku guuleystaan.

“Si loo hubiyo in aan sharciga la baalmarin, iyo in shirkaddeena iyo isticmaaleyaasheennaba loola dhaqmo si caddaalad ah, ma lihin ikhtiyaar aan ka ahayn in aan ka doodno amarka fulinta iyada oo loo marayo nidaamka garsoorka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay TikTok.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -