Nin Aaminsan in uu yahay kan ugu labiska qurxoon Qaarada Afrika (Daawo Sawirro)

James Maina Mwangi, ilaa iyo hadda wuxuu aaminsan yahay inuu yahay ninka ugu shidan qaaradda Afrika ama xittaa adduunyada oo dhan.

Markaad dhab u fiiriso hab labiskiisa cajiibka ahna, way adag tahay in lagu gacan-seyro.

Markii uu soo degay Nairobi, Mwangi wuxuu kaliya qabay hal shaar, dadkuna way ku qosli jireen waayo aabihii wuxuu ahaa qof qaran oo halgankii xuriyadda qeyb ka ahaa balse sabool ah. Wuxuu Eebe weydiistay inuu helo adduun uu isku taago. Wuuna helay ugu danbeyntii. Wuxuu dharkiisa kala midabada leh u adeegsadaa inuu kula dhex daanshoodo gudaha caasimadda Nairobi, waxaana xittaa uu soo jiitay indhaha dadyowga caalamka qaarkood.

Mwangi oo sheegtay inuu heysto 160 joog oo suudad kala jaad ah; 200 oo kabo kala joogag ah iyo 300 oo koofiyadood, waxaa dheeri u ah inuu heysto qalimaan iyo caafarada moobillada oo kala jaadad ah. Wuxuu xittaa dhawaan sameystay gafuurxir uu kaga gaashaanto faafista xanuunka Covid-19 kuwaas oo sidoo kale kala leh midabyo kala ceyn ah.

In kasta oo ay adag tahay inuu keydsado ku dhawaad gafuur-xir walba oo lasoo saaro, haddana ninka ugu shidan Afrika iyo dabcan caalamka, wuxuu awooday inuu maareeyo heliddooda.

Wuxuu wax-barashada uga saaqiday da’da 12 jirka, waxaana tani markaas oo xoogsigii uu galay horumarinta noloshiisa ugu danbeyn kaga soo dhacay noqoshada ninka ugu shidan. Waxaana uu intaba amaah ku dhiibi jiray suudadkiisa qaab kiro ah si uu lacag uga helo.

Su’aasha la is weydiin karo oo ah halkuu ka helo adeegga dhaayda ah oo uu hadba modelka cusub ula qabsado, ayaa jawaabteeda laga soo helay dawaarle saaxiibkiis ah kaas oo hadba kii soo baxa ugu tola qaab casri ah oo soo jiidasho leh.

Adduun dhan 10,000ksh ilaa 80,000ksh ayaa uga baxda sameynta halkii suud oo loo tolo.

Sheekada Mwangi waxay ina xusuusinaysaa dhaqan caan ka ah gudaha dalka Democratic Congo kaas oo qeyb bulshadaas kamid ah ay labiska ka doorbidaan tiirarka aas-aasiga ah ee nolosha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -