Qaar kamid ah Ku-simayaasha Wasiirada oo awooda laga qaaday iyo Sababta keentay !!

Ku-simaha Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa la sheegay in awooda ka qaaday qaarkoodna ka yareeyay qaar kamid ah ku simayaasha Wasiirada kalsoonida lagala noqday.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in awooda laga qaaday Wasiiradii sida aadka ah ugu dhawaan Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kuwaa oo hada intooda badan aan shaqeyn.

Wasiiradan awooda laga qaaday ayaa kamid ahaa kuwa aadka ugu dhawaa Ra’isul Wasaarihii la riday sidoo kale awooda ku dhax lahaa Xukuumada, waxaana shaqadooda inta badan qabta Wasiir kuxigeenadooda.

Ku-simaha Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka xirtay wasiirada qaar akoonada sidoo kale uga digay in ay sameeyaan magacaabis ama xil ka qaadis inta Xukuumad cusub laga soo dhisayo.

Wasiirada awooda laga qaaday ee ku jira Xukuumada la riday ayaa la sheegay in badankood aysanba hada usoo shaqo tagin xafiisyadooda, waxaana shaqada inta badan wada Wasiir kuxigeenada iyo agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi.

Sida aan wararka ku helnay qaar kamid ah Wasiirada ku simayaasha ah ayaa awood badan wali ku dhax leh Xukuumada kuwaa oo sameeya magacaabis iyo xil ka qaadis, wasiiradaasi ayaana la sheegay in ay yihiin kuwa aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo.

Kalsooni kala noqoshada Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa kaalin weyn ku lahaa qara kamid ah Wasiirada Xildhibaanada ah kuwaa oo u codeeyay in la rido Xukuumadii ay katirsanaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -