Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia iyo Shirkadda Al-Beyrak oo heshiis cusub kala saxiixday (Sawirro)

Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Albayrak ee Maamusha Dekadda Muqdisho ayaa maanta heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca dowladda u saxiixday Sii-hayaha Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac waxaana goob joog ka ahaa Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u mahadceliyay labada dhinac.

Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow labo sanno ayaa  si wadajir ah la isugu af gartay wuxuuna dhigayaa in shirkada loo cusbooneysiiyo maamulida dekeda, taa bedelkeedna ay horumarin iyo balaarin ku sameyso.

Dhanka kale Turkiga waxaa u saxiixay Mr. Ahmet Albayrak oo ah milkiilaha shirkadda Albayrak, waxaana la filayaa in heshiiskan si rasmi ah maalmaha soo socda ay labada dhinac ku wada saxiixaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka & Taliban oo qarka u saaran iney galaan heshiis ka careysiinaya Mareykanka

Caydiid Ali

Hogaamiyaha TPLF oo digniin kama dambeys ah siyey dowlada Itoobiya

Caydiid Ali

Maan-dooriye badan iyo raggii watay oo Muqdisho lagu qabtay iyo Masuuliyiin soo aragtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---