Allbanaadir.com
NEWS

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo kusoo jeeday Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaanka Gendershe oo hoostaga magaalada Marka ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan ciidamada qabteen oo nuuciisu ahaa Surf ayaa waxaa ku rarnaa waxyaabaha qarxa, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in gaarigan kusoo jeeday magaalada Muqdisho si weeraro loogu geesto.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle  Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa Warbaahinta ciidanka dowlada u sheegay in gaarigan qaraxyada ka buuxeen iyo ragii la socday gacanta ku dhigeen Ciidamada Danab.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada ay heleen xogta gaarigan qaraxa laga soo buuxiyay kadibna fuliyeen howlgalka gaarigaasi iyo ragii la socday lagu qabtay, waxa uuna xusay in ciidamada kala fur fureen waxyaabaha qarxa ee gaarigaasi saarnaa.

Ciidamada Danab ayaa howlaglo balaaran kawada gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ciidamadan dhawaan siyaabo kala duwan ula wareegeen deegaano iyo degmooyin Al Shabaab gacanta ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer ilaalinta oo shaacisay liiska Masuuliyiin Musuq u xiran iyo kuwa baxsad ah (Magacyada)

Cabdi Cade

Maraykanka oo fariin cusub u diray Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay weerarkii Xabsiga Dhexe & qorshe uu watay Farmaajo oo fashilmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---