Dowlad Muslim ah oo dayuurad gargaar sida u dirtay dalka Maraykanka

Turkiga ayaa gargaar caafimaad u diray dalka Mareykanka oo haatan ka mid ah dalalka la daalaa dhacaya xanuunka coronavirus oo haatan ku faafay dunida inteeda badan.

Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baaro xanuunka corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mr Koca ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka wadankaas waxaa uu sheegay in ay ku han weyn yihiin sidii loo xoojin lahaa baaritaanada gudaha dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in maalintii ay qorsheynayaan in ay xanuunka ka baaraan 10 kun ilaa 15 kun oo qof, wuxuu intaa raaciyay in haatan ay baareen dad ka badan 10 kun.

Xanuunka corona ayaa fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka, waxaana ugu daran dalka Talyaaniga oo dad badan ay ugu dhinteen.

Caabuqa corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaaraya 427 qof, taasoo noqotay arin si weyn looga argagaxay, isla markaana muujisay heerka khatarta uu gaarsiisan yahay cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -