Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muqdisho oo xiliyada habeenkii isku bedeshay Mugdi iyo Maamulka Gobolka oo sabab u noqday

Inta badan nalalka cad ceeda qoraxda ku shaqeeyo ee ka daarnaa wadooyinka magaalada Muqdisho xiliyada habeenkii ah ayaa damay, waxa ayna magaalada hada isku bedeleysaa mid mugdi ah.

Nalalka Cad ceeda ku shaqeeya ayaa laga suray inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, hasa ahaatee nalalkaasi ayaa noqday kuwa laga baxsaday batirgii iyo kuwa kale oo u damay cilad ku timid oo la waayay wax sameeya.

Maamulka gobolka Banaadir oo u xil saarnaa hagaajinta leerarkan ayaan wax masuuliyad ah iska saarin bilihii lasoo dhaafay, waxa ayna arintan qeyb ka tahay fashilka ku yimid maamulka hada ka jira gobolka Banaadir.

Maamuladii hore ee gobolka Banaadir ayaa si joogto ah ula socon jiray nalalkan oo qeyb ka qaatay horumarka iyo quruxda magaalada, waxaana si joogta ah loo cilad bixin jiray nalalkan marka  ay cilado ku yimaadaan.

Nalalka ayaa hada ka shidan qeybo kamid ah laamiga Maka Al Mukarama, waxaana inta badan dansan nalalkii kale ee ka daarnaa wadooyinka kale ee magaalada Muqdisho sida Wadada Warshadaha, Sodonka iyo wadooyin kale oo badan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad uga niyad jabsan maamulka gobolka Banaadir oo ka jiiftay shaqooyinkii looga fadhiyay, waxaana hada laamiyadii quruxda badnaa ee caasimada la dhisay qarka u saaran yihiin in bucaad isku bedelaan.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi ayaa aad loogu amaanay waxqabadkii muuqday uu caasimada ka sameeyay intii uu xilka hayay, waxa uuna si joogta ah uga shaqey jiray nadaafada iyo horumarka magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo Go’aano culus soo saartay iyo Musharaxiinta oo ka digay qorshe Halis ah 

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Maareeye Garoon iyo Gudoomiyaal Gobol (Akhriso)

Cabdi Cade

Abwaan Sugaal Cabdulle & dad kale oo ku dhintay qaraxii galabta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---