Madaxtooyada Soomaaliya oo shuruud adag ku xirtay xayiraad ka qaadista Jaadka Kenya

Waxaa wali xayiraad saaran duulimaadyadii jaadka ka keeni jiray dalka Kenya, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya kahor yimid in xiligan la fasaxo duulimaadyada jaadka ka keena dalka Kenya .

Ganacsatada jaadka Kenya ayaa isku diyaarinayay in jaadka bilooyin kadib usoo dhoofiyaan gudaha Soomaaliya kadib xanibaadii uu keenay udurka Caraonavirus, hasa ahaatee ganacsatada ayaa niyad jab kala kulmay go’aan kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaana khamiistii ogolaaday in la fasaxo jaadka dalka Kenya uga yimaada Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa go’aankaasi kasoo horjeestay Madaxweyne Farmaajo oo amray in hakad kusii jiraan keenista jaadka gudaha Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo shuruud uga dhigay dowlada Kenya in duulimaadka jaadka gudaha Soomaaliya la fasaxo in dowlada Kenya dhankeeda fasaxdo duulimaadyada tooska ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeyay.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan dib u fasaxday duulimaadyada caalamiga marka laga reebo Soomaaliya iyo dalal kale oo kooban, waxaana talaabadaasi ka careesiisay dowlada Soomaaliya oo xiligan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn dowlada Kenya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaana dooneysa in dowlada Kenya ku cadaadiso in ay furto duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya si taa badalkeeda iyana Dowlada Soomaaliya u ogolaato in jaadka Kenya laga soo dejiyo garoomada Soomaaliya kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -