Ciidamada AMISOM oo maanta dilay labo askari iyo qof kale oo shacab ah

Kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa maanta deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ku jiiray mooto ay saarnayeen sadex ruux oo labo kamid ah askar ahaayeen iyo darawalkii mootada.

Sida aan wararka ku helnay sadexda ruux oo la socday mooto nuuca Vekon loo yaqaan ayaa dhamaan goobtaasi ku geeriyooday, gaadiidka AMISOM ee jiiray sadexda ruux ayaana goobta isaga dhaqaaqay iyada oo dhulka ay yaalaan meydka askarta ay dileen.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in meydadka labada askari iyo darawalkii mootada laamiga yaaleen daqiiqado badan, waxaana markii dambe goobtaasi ka qaaday ciidamo kale oo katirsan dowlada.

waxa ay sheegeen goobjoogayaasha in Ciidamo katirsan dowlada oo ka carooday falka ay ciidamada AMISOM ku dileen sadexdan ruux ay ka daba tagay ciidamada AMISOM oo kusii jeeday Afgooye ayna isku fureen rasaas.

Gaadiidka Ciidamada AMISOM ayaa marar badan sidan oo kale wadooyinka ugu jiiray ugana tagay ciidamo katirsan dowlada iyo dad shacab ah, mana muuqato talaabooyin laga qaado askarta falalkaasi kula kaca muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -