Al-Shabaab oo War ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee saaka ka dacay Muqdisho

Qoraal oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkii xooganaa ee Maanta lagu qaaday xerada ay degan yihiin  Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo Burbur gaadiid, inkastoo aysan shaacin tirro Khasaaro ah oo ka dhashay weerarka.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday saldhigga guutada 27aad oo kutaalla dhabarka dambe ee xaruntii xisbiga waxaana jira khasaara xooggan oo isugu jiro dhimasho,dhaawac iyo burbur gaadiid” ayaa lagu yiri war si hordhac ah uga soo baxay Al Shabaab.

Ugu yaraan 9 Askari oo ka tirsan Ciidamadii ku sugnaa Xerada ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka in ka badan 12 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo gaadiidka Gurmadka deg Deg ah looga soo qaaday goobta, lana dhigay goobaha Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -