Masuul ka tirsan Maamulka Somaliland oo caawa la dilay & faahfaahino ka soo baxaya

Waxaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah lagu dilay Magalada Laascaanod ee gobolka Sool masuul sare oo ka tirsanaa Maamulka Somaliland.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay iney Xoghayihii Xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool Maxamed Barkhadle Cabdi ku toogteen magaalada Laascaanood.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raga dilka geystay oo kiu hubeysnaa bastoolado ay halkaas ka baxsadeen.

Weli macada cidda ka dameysa dilkaas iyo sababta loo dilay,waxaana goobta dilka uu ka dhacay haatan ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Somaliland oo baaritaano wada.

Xisbiga Kulmiye iyo Booliska Somaliland ayaan weli ka hadlin dilka masuulkan oo caawa si weyn looga hadal hayo Magaalada laascaanod, mana jirto cid sheegatay dilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -