Duqa Muqdisho oo u kuur galay sida ay u shaqeyso xarunta Dad dhigista (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar si uu ugu kuurgalo adeegyada loo haayo Bulshada Soomaaliyeed.

Xaruntaan oo ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda hoose ee Xamar ee adeegyada bulsho bixisa ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir warbixino halkaasi kaga dhageystay Agaasinka waaxda Dad-dhigista .

Duqa magaalada Muqdisho oo u kuur galay qaabka ay shaqada u socotay looguna adeeggo ddaka ayaa warbixin ka dhageestay iyo qaar ka mid ah bulshada halkaasi usoo doontay in ay ka helaan warqadada cadeemaha ee dhalashada iyo sugnaanta.

Guddoomiyaha Gobolka  ayaa kula dardaarmay howlwadeenada waaxda dad-dhigista dowladda hoose ee Xamar in ay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan sida ugu haboon, isagoona ka digay in lagu kaco Eex iyo Musuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -