Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Caan ah oo loo magacaabay Afhayeenka cusub ee Xukuumada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mudo ayaa sanado kadib magacaabay Afhayeen ay yeelaneyso Xukuumada.

Wareegto kasoo baxday Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Afhayeenka Xukuumada federaalka loogu magacaabay Wariye hore Maxamed Ibraahim Macallimuu .

Afhayeenka Xukuumada ayaa hada ahaa Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Fesoj , Macalimuu ayaa kasoo shaqeeyay Idaacada BBC iyo Warbaahino kale.

Xukuumadii uu hogaaminayay Xasan Cali Kheyre ayaa meesha ka saartay afhayeenkii hore ee Xukuumada, waxaana sanadihii u dambeeyay Xukuumada aheyd Afhayeen la,aan.

Related posts

FBI-da Mareykanka oo digniin cabsi leh ka soo saartay xaflada caleemo saarka Biden

Caydiid Ali

Jabuuti oo sheegtay inuu Khasaare u geystay dagaalka ka socda Itoobiya

Caydiid Ali

Safiirka UK u fadhiya Muqdisho oo talooyin Muhiim ah siiyey madaxda Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---