Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu weeraray Maqaayad kutaala Muqdisho

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray goordhaw isku qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Luul Yamani oo kutaala Degmada Xamar Jajab.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacaya ayaa ku waramay in mar qura maqleen jugta qarax xoogan oo ka dhacay Maqaayada Luul Yamani oo ku dhaw dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaana sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidamada booliiska iyo kuwa gurmadka deg dega kuwaa oo goobta ka qaaday dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxa.

Booliiska ayaan wali ka hadlin qaraxan goodhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray saraakiil katirsan booliiska kuwaa oo baaritaano bilaabay.

Related posts

Shiikh Shariif: “Waa in sharciga la horkeenaa askartii ka dambeysay dilka shacabka”

Caydiid Ali

RW Khayre oo ka hadlay dedaalka DF ee Coronavirus iyo Qalab dalka ku soo wajahan

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo Ilhan Cumar ugu baaqay iney iska casisho xubinimada Congreska

Caydiid Ali
Taboola Ads ---