Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo Ilhan Cumar ugu baaqay iney iska casisho xubinimada Congreska

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku biiray weerarka afka ah ee lagu hayo gabadha Soomaaliyeed ee ka tirsan Congareska Mareykanka Ilhaan Cumar oo lagu heysto inay barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal muujinaya Yuhuud Naceyb.

Trump ayaa ka hadlay arrinta Senator Ilhan Omar, wuxuuna yiri: “Waxaan filayaa inay la gudboon tahay inay xilka iska casisho congareska ama ay iska casisho xubinnimada Guddiga Arrimaha dibadda..”

Wuxuu intaas ku daray mar uu saxafiyiin la hadlay inay nafteeda ceeb u soo jiiday.

Hadalka ka soo yeeray Ilhaan Omar ayaa si weyn oo cambaareeyay, iyadoo xubno ka tirsan labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ay cambaareeyeen waxaana ay bixisay raaligelin markii dambe, iyadoo sheegtay iney gef u geysan dadka Yuhuuda ah balse ay dhaliishay oo kaliya.

Wargeyska Washington Post ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxa lagu heysto Ilhaan Cumar oo uu sheegay inay horey u sameeyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Trump, balse aan loo daba gelin sida maanta loogu dhegan yahay Ilhan Cumar, wuxuuna xusay wargeysku in cadaadiska la saaray Ilhaan Cumar uu ka dhigan yahay cusnurinimo iyo caburin siyaasadeed oo iyada lagula kacay taasoo khilaafsan sharciga xoriyada hadalka ee Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaalad adag oo soo wajahday dowlada Mareykanka iyo ismari waa taagan

Caydiid Ali

Madaxweyne Emmanuel Macron oo albaabada u furay in Falastiin loo aqoonsado Dowlad

Cabdi Cade

Haweeney xil Muhiim ah oo ay heysay ku weysay Ilmo sedexaad ay dhashay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---