Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanle-weyn oo goor dhow qarax lagu dilay

Sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose waxaa fiidnimadan caawa halkaas lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca Maaliyada ee degmadaas ka dib qarax ka dhacay hoygiisa.

Maxamed C/llaahi Koosto ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray bam gacmeed lagu tuuray hoygiisa oo ku yaalla degmada Wanle-weyn, waxaana sidoo kale jiray rasaas xoogan oo la isweydaarsaday sida ay ku warameen dadka degaanka.

Qaraxan ayey sidoo kale wararku sheegayaan inuu ku dhaawacmay masuulka geeriyooday aabihiis iyo haweeney ay qaraabo yihiin oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa guriga, kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Ciidamada amaanka maamulka degmada Wanle-weyn ayaa gaaray dhismaha bamka lagu weeraray halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyey qaraxaas oo la aaminsan yahay iney a dambeysay kooxda Al-shabaab oo weeraradan oo kale ku caan baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -