Ciidamo katirsan Milatariga Itoobiya oo Dagaal la galaya Al Shabaab oo lasoo sagootiyay (Sawirro)

Ciidamo katirsan milatariga Itoobiya ayaa kasoo dhaqaaqay magaalada Godey , waxaana ciidamadan la sheegay in ay usoo dhaqaaqeen xadka Soomaaliya si ay dagaal ula galaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo la sheegay in ay galeen gudaha Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar ayaa ciidamadan milatariga Itoobiya katirsan ee usoo dhaqaaqay dhinaca xadka Soomaaliya soo sagootiyay, waxa uuna kula dardaarmay in dagaal adag la galaan kooxda Al Shabaab.

Mustafe Cagjar ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay yihiin koox argagaxiso ah oo diidan ammaanka & Horumarka Geeska Afrika, ayna muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesto si looga guuleysto.

Ciidamadan kasoo dhaqaaqay magaalada Godey ayaa la sheegay in ay kusoo wajahan yihiin xadka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka gaar ahaan dhinaca gobolka Hiiraan oo la sheegay in xubno katirsan Al Shabaab dhawwaan ka gudbeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -