Haweeney Raisul Wasaare ka ah dal ka tirsan Yurub oo guursatay (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha dalka Finland Sanna Marin ayaa maanta la aqalgashay seygeeda Markus Räikkönen oo ay muddo 16 sano ah wada jireen.

War ka soo baxay dowladda maanta oo Axad ah ayaa lagu sheegay in Xafladda aroosku ay ka dhacday Sabtidii shalay ahayd Kesäranta (Guriga dowladda ee Ra’iisal wasaaraha Finland). Xafladda arooska ayaa waxaa ka soo qaybgalay qoysaska, qaraabada iyo asxaabta lamaanahan arooska ah.

”Waxaan lamaanaha cusub ee is-guusraday, Sanna iyo Markus u diraynaa hambalyo qalbiga ka soo go’day” ayaa lagu yiri qoraal la xiriira Aqalgalka lamaanahan oo la soo dhigay barta Twitterka ee Xisbiga Social democrats-ka ah ee nhaya talada dalkaas.

Ra’iisal wasaare Sanna Marin oo dareenkeeda cabbiraysa ayaa iyaduna barteeda Instagramka soo dhigtay hadalkan ”Waxaa nasiib iyo farxad ii ah in aan noloshayda la wadaago qofka aan jeclahay”.

Lamaanahan oo maanta si rasmi ah u aqalgalay ayaa waxay leeyihiin gabar 2-5 sano jir ah.

- Advertisement -