Daawo Sawirada :Sida Quruxda badan ee loogu ciiday Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho

Kumanaan ka mida shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ku ciiday xaafadda Daarusalaam, oo ka mida xaafadaha ugu bilicda wanaagsan ee Caasimadda Muqdisho.
 
Dadweyne fara-badan ayaa Salaadda Ciidda ku oogay Masaajidka weyn ee deegaanka Daarusalaam, ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.
 
Dadweynaha reer Muqdisho oo markii dambe isugu tagay Beerta Daarusalaam ayaa isugu hambalyeynayay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, oo maanta si isu mida looga wada ciidaayo geyiga Soomaalida.
 
Maamulka xaafadda Daarusalaam ayaa dhawaan qalab cusub ku soo kordhiyay goobta ay carruurta ku cayaaraan, sidoo kalana waxaa la keenay ugaar kala duwan, oo loogu talagalay inay dadka u soo daawasho taggaan.
 
Maanta oo kale waalidiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ubadkooda u damaashaad geeya xaafadda Daarusalaam, si ay u dareemaan farxadda Ciidda.
 
Ciidda Carafo ayaa ah Ciidda labaad ee Islaamka uu leeyahay, marka laga soo taggo Ciidul Fitriga, waxayna umadda Soomaaliyeed isu rajeeyeen in sanadkan midka xigga uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, nabad iyo caano.
 
Deegaanka Daarusaam waxaa maalgaliyay Salaam Somali Bank isla markaana waxaa dhisay Shirkadda Dhismaha Buruuj.
 
Ciidaan Carafo ayaa ka duwan Ciidul Fitrigii hore, marka aad eegto inaanay ciidaan wax saamayn ahi ku yeelan awaamiirtii horaan lagu xakameynayay COVID-19.
- Advertisement -