Agaasimihii Warfaafinta Xafiiska RW oo iscasilay & Olole cusub oo ka bilowday Villa Somalia

Agaasimihii Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Calinuur Salaad ayaa xilka iska casilay.

Waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, waxaana uu xilkan hayay labadii sano ee tagtay

Qoraal kooban oo uu soo saaray oo ku lifaaqnaa is casilaaddiisa ayuu ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida Xukuumadda darteed uu shaqada baneeyey.

Xafiiska RW ayaa waxaa ka socda olole xididada loogu siibayo shaqsiyaadkii ku dhowaa Raisul-wasaarihii xilka laga qaaday Xasan Cali Khayre, waxaana ololahaas horboodaya xafiiska Madaxweynaha sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Ku-xigeenkii hore ee agaasimaha Madaxtooyada C/risaaq Caato ayaa loo magacaabay si KMG Xoghayaha Joogtada Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo xilka laga qaaday xoghayihii hore oo si weyn ugu dhowaa Khayre.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha lagu biiriyo kan Madaxtooyada, si loola socdo dhaqdhaqaaqa Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo howlaha uu qabanayo, xafiiskiisana loo hoos geeyo kan Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -