Sidee maanta looga ciiday degaanada ay maamusho Xarakada Al-Shabaab? (Sawirro)

Degaanada ay maamulaan kooxda Al-shabaab ee ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Somalia ayaa maanta si weyn looga dabaaldegayaa maalinta koowaad ee Ciidul-adxaa.

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud waxay ka mid tahay meelaha sida weyn maanta looga ciiday, fagaaraha weyn ee magaalada waxaa isugusoo baxay boqolaal qof oo halkaas ku tukaday salaadda Ciidda, waxaana kala qeyb galay saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Degaanka Buq-aqablle ee gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha looga dabaaldegay munaasabadda Ciidul Adxaa, boqolaal qof ayaana fagaaraha weyn ee degaanka ku tukaday.

Degaanadan ayaa ka mid ah degaanada gobolada dhexe ee ay sida weyn ugu xoogan yihiin Al-shabaab, waxayna xukumayeen muddo dheer inkastoo marar kala duwan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay ka saareen.

Sidoo kale, Bulshada ku nool degmada Jilib ayaa saaka si wayn isugu soo baxay fagaaraha wayn ee Macallin Aadan Xaashi Ceyroow loogu magac daray, kaasoo ku caanbaxay salaadaha ciidda iyo fulinta xukunada ay fuiyaan Al-shabaab sida dilka iyo karbaashka.

Salaaddii kadib waxa goobta fagaaraha kala hadlay dadwaynaha mas’uuliyiin ka tirsanal-Shabaab waxayna ku dheeraadeen baraarujinta bulshada, iyagoo  sheegay in cadawga ku soo duulay uu ku jabay dagaalka uu kula jiro dadka Muslimiinta ah sida ay hadalka u dhigeen.

DEGMADA JILIB

BUQ AQABLE

CEELBUUR

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -