Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magalada Boosaaso

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, lix kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray qarax galabta ka dhacay maqaahi ku taalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Maqaahida uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay iney aheyd kuwa lagu qayilo waxayna ku taalla nawaaxiga isgoyska maqaska ee magaalada Boosaaso.

Dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxa ayaa waxaa ku jira Rag odayaal ah oo la sheegay iney shalay taageero u muujiyeen Xildhibaan Jamaal Max’ed Xasan oo sidoo kale ah Wasiirka qorsheynta dowlada federaalka.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo ku soo aaday xilli uu magaalada Boosaaso ku sii jeedo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan sugan magaalada Qardho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -